Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh/Dhexe: Maleeshiyo beeleed dab qabadsiiyay 300 oo guri


Sawir muujinaya guryo la gubay oo ku yaalla tuulada Eji ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sawir muujinaya guryo la gubay oo ku yaalla tuulada Eji ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

In ka badan 300 oo guri ayaa la xaqiijiyay in ay ku gubteen tuulada Eji oo ka mid ah tuulooyinka dhaca jiinka wabiga shabelle, ee u dhaxeeya damooyinka Mahaday iyo Jalalaqsi ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Arrintan ayaa ka danbeysay kaddib marki ay tuulada dab qabasiiyeen malleeshiyo beeleed deegaankaasi weerartay dhammaadki bishi aanu kasoo gudubnay ee Marso.

Tuulada Eji ayaa qiyaastii 52 km dhanka waqooyi uga beegan magaalada Jowhar, halka ay 21 dhanka koofur galbeed uga beegantahay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Warbixin arrintaai ku saabsan waxaa inoo haya Nur Hassan Nur.

Sh/Dhexe: Maleeshiyo beeleed dab qabadsiiyay 300 oo guri
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:51 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG