Baarlamaanak Soomaaliya ayaa fadhi uu maanta ku yeeshay Muqdisho ku meel mariyay 4 cutub oo ka mid ah 15-ka cutub ee guud ahaan uu ka kooban yahay dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. Fadhiga ayaa waxaa joogay 254 mudane oo 42 ka mid ah ay yihiin xubnaha Aqalka Sare, halka 212-ka kalana ay ahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka. Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warkan soo diray.
Madal