Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho


Xubno ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday hotelka SYL ee ku yaalla badhtamaha magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogayaal kala duwani u sheegeen VOA.

Saraakiil amni iyo goobjoogayaal ka gaabsaday in magacyadooda la sheego, ayaa VOA u sheegay in weerarka ka hor, inuu jiray qarax ka dhacay bannaanka hotelka.

Warar aan ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in weerarkan ay ku dhaawacmeen masuuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan, saraakiil ciidan, xildhibaano isugu jira kuwo hore iyo kuwo haatan ku jira baarlamaanka.

Weerarkan oo ka socda hotelka SYL ayay masuuliyaddiisa sheegteen kooxda al-Shabaab, iyaga oo sheegay in xubno ka tirsani inay gudaha u galeen SYL.

Wixii warara ee ka soo kordha kala soco VOA.

Madal

XS
SM
MD
LG