Muqdisho —
Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana dabku uu saameeyey qaar ka mid ah dukaamada ganacsiga oo ay ku jiraan dukaamo lagu iibinayey qalabka elektaroonigga.
Waxaa halkaasi gaaray gaadiidka gurmadka dab-damiska ee dawladda hoose iyo kan shirkadda Hormuud.
Warbixintan waxaa inoo soo diray Xasan Kaafi Qoyste.
Dhinaca kale, si aan faahfahain dheeraad ah u helno ayaa Haaruun Macruuf waxa uu la xiriiray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Suuqa Bakaaraha, Xasan Cabdi Axmed “Xoogsade”. Ugu horrayna waxa uu weydiiyey sida ay wax u dhaceen?
Madal