Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga iyo Soomaaliya oo galay heshiis shidaal lagaga baarayo bad iyo berriba


Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya
Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya

Dawladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay inay kala saxiixdeen heshiis shidaal looga baadhayo Soomaaliya – bad iyo berriba. Heshiiskan ayaa looga dhowaaqay dalka Turkiga halkaasi oo ay ku kala saxiixdeen wasiirrada shidaalka iyo tamarta iyo khayraadka ee labada waddan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Alparslan Bayraktar.

Heshiiskan ayaa qayb ka ah heshiiskii Iskaahsiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee bishii hore ay wada saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Faahfaahinta heshiiskaas ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay wasiirka batroolka iyo khayraadka badda Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Waraysiga Wasiirka tamarta iyo shidaalka
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:35 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG