Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda Soomaaliya oo faah-faahisay heshiis ay la saxiixatay Maraykanka


Dowladaha Maraykanka iyo Soomaaliya ayaa shalay kala saxiixday is af-garad la xiriira dhismaha shan xero ciidan oo Maraykanku u dhisayo ciidamada Danab oo ay muddo sannado ah soo tababarayeen ciidamada Maraykanku.

Xeryahan ayaa laga dhisi doonaa magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.

Haddaba si aan faahfaahin uga helno ayaa Haaruun Macruuf uu khadka telefoonka kula xiriiray La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo haatan booqasho ku jooga Washington. Ugu horrayna waxa uu ka hadlayaa ujeeddada safarkiisa ee Washington.

Waraysiga la taliyaha amniga qaranka
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:56 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG