Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dablay xalay weeraro ka geysatay magaalada Boosaaso


Dekedda Boosaaso
Dekedda Boosaaso

Magaalada Boosaaso ayaa habeenimadii xalay lagu dilay nin ka mid ahaa ganacsatada yar yar ee wax kuu iibiya suuqa wayn ee magaalada, kadib markii ay raasaas ku fureen dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan.

Qaar ka mida saraakiisha ammaanka ee magaalada Boosaaso oo gaadhay goobta dilku ka dhacay ayaa VOA u sheegay, inay dablaydii hubaysnayd ee dilka geysatay ay goobtaas ka baxsadeen.

Dhinaca kalena, waxaa xalay bambooyin lagu tuuray guriga wasiirka amniga Puntland Ibraahin Cartan Xaaji Bakiin. Saraakiisha amniga ayaa sheegay inaanay jirin cid wax ku noqotay bambooyinkan la tuuray, iyaga oo VOA u sheegay inay ku daba jiraan cidii weerarkan geysatay.

Bilihii u dambeeyey waxaa magaalada Boosaaso ka dhacay qaraxyo, kuwaas oo intooda badani ay dhacaan xilliga habeenkii ah, iyada oo lala beegsanayo goobaha ganacsiga, mana jirto illaa haatan cid si toosa u sheegatay weeraradan.

Madal

XS
SM
MD
LG