Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa sanado dheer ah waxa ay noloshooda ku soo qaateen xabsiyo ku yaal wadamo shisheeye ka dib markii ay qabteen ciidamada shisheeye ee ka hawlgala baddaha Soomaaliya.
Dhallinyaradan ayaa badankood la qabtay iyagoo ku guda-jira falal burcad badeednimo oo ay baddaha Gacanka Cadmeed iyo tan Hindiya ay kaga ugaarsanayeen maraakiibta ganacsiga.
Muddadii ay dhalinyaradan ku jireen xabsiyada ayaa qaarkood waxa ay fursado u heleen in ay wax bartaan, sida uu sheegayo Fu'aad Xirsi Cabdulaahi oo muddo toban sano ah ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka Cummaan.
Fu’aad ayaa buug ka qoray noloshiisii xabsiga iyo wixii uu kala soo kulmay.
Wariyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayuu ugu warramay waayihiisii nolosha isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.
Madal