Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada adeegyadooda caafimaad ay ugu liitaan dunida, waxaana in ka badan 60% dhimashada dadka Soomaalida ay la xiriirtaa cudurrada faafa sida shubanka, qaaxada iyo malaariyada.
Hase yeeshee waxaa iyaguna soo kordhaya dadka u dhinta cudurrada uu ka midka yahay Kancerka. Maanta waxaa dunida laga xusayaa maalinta caalamka ee la dagaalanka kansarka.
Haddaba xaaladda guud ahaan Soomaaliya ee cudurka kansarka ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Dr. Maxamed Maxamuud Cali Fuje oo ka tirsan Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdishu, muddo dheerna ahaa dhakhtar kasoo shaqaynayey caafimaadka guud ee bulshada.
Madal