Dhuusomareeb —
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa la sheegey in uu halkaasi u tagay dardar galinta howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab oo waayadanba ka socdey gobolka.
Madaxweynaha aya asanadkii hore ku dhowaad 2 bil ku qaatay gobollada dhexe si uu u dardar geliyo howlgallada Shabaabka ka dhanka ah.
Haddaba socdaalkan muxu kaga duwan yahay kii hore, su’aalahaas iyo kuwa kale ayuu Jamaal Axmed Cismaan hor dhigay wasiirka warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Shiiqow.
Madal