Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa maanta dib u bilaabay inay mas’uuliyadaha amniga ku wareejiyaan ciidamada dawladda Soomaaliya, goobo la cayimay oo ka mid ah dalka oo ay ku jirto Muqdishu.
Magaalada Muqdishu waxaa ka dhacday munaasabad xil wareejin ah oo ciidamada ATMIS ay ku wareejiyeen ciidamada Soomaaliya amniga madaxtooyada iyo baarlamaanka, sida ay sheegeen saraakiisha Midowga Afrika.
Haddaba Haaruun Macruuf ayaa ka waraysanay Madaxa Halwgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed El-Amine Souef.
Madal