Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qoysas Maraykan ah oo ka soo jeeda Falastiin oo dacwad ku soo oogay dawladda Maraykanka


FILE - Liat Beinin, 49, speaks with family, Nov. 29, 2023, having just been freed from Hamas captivity. Two Palestinian American families' lawsuit says the U.S. has not done as much to evacuate their U.S. relatives as it did for Israeli dual nationals.
FILE - Liat Beinin, 49, speaks with family, Nov. 29, 2023, having just been freed from Hamas captivity. Two Palestinian American families' lawsuit says the U.S. has not done as much to evacuate their U.S. relatives as it did for Israeli dual nationals.

WASHINGTON — Laba qoys oo u dhashay dalka Maraykanka kana soo jeeda Falastiin ayaa waxay dacweeyeen xukuumadda Maraykanka ee uu hoggaamiye madaxweyne Biden, iyaga oo sheegay inaanay u fidinin qoysaskooda ku go'doomay Gaza, gargaar samatabixin ah oo la mida kan ay dawladda Maraykanku u fidisay muwaadiniinta Maraykanka ee asal ahaan ka soo jeeda Israa'iil.

Ka dib markii uu dhacay weerarkii 7-da October, waxaa dawladda Maraykanku ay duulimaadyo kaga daadguraysay muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugnaa Telaviv, ka dib markii la joojiyey duulimaadyadii aadiyey dalkaas.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay caawisay illaa 1,300 oo muwaadiniin Maraykan ah oo ka soo jeeda Falastiin, si ay uga baxaan Gaza isla markaana ay u gudbaan Masar, iyada oo Maraykanku wada shaqayn kala yeeshay masuuliyiinta Israa'iil iyo Masar.

Qoysaska dacwadda soo oogay ayaa sheegay inaanay dawladdu qaabaynin duulimaadyo si ammaan ah oo lagu daadgureeyo dadka halkaas ku go'doomay. Waxay ku qiyaaseen illaa 900 oo muwaadin, ama dad haysta deganaanshaha dawladda Maraykanka ama qoysaska muwaadiniinta Maraykanku inay ku go'doonsan yihiin Gaza.

Waxay sheegeen in tallaabadani ay tahay xadgudub ka dhan ah xuquuqda dastuurka.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanku waxay ka gaabsatay inay faallo ka bixiso dacwad socota, hase ahaatee afhayeen u hadlay ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay u soo samatabixin lahaayeen muwaadiniin badan oo Maraykan ah iyo qoysaskooda.

Aqalka Cad ayaa su'aal arrintaas la xidhiidha wuxuu isu dhaafiyey Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka, hase ahaatee Waaxda Cadaaladda ee Maraykanku, iyana si degdeg ah arrintan ugama falcelinin.

Reuters

Madal

XS
SM
MD
LG