Kooxda Manchester City ayaa ka dhacday kaalinta afraad ee kala horreynta horyaalkaa Preimer League, kadib markii xalay kooxda Aston Villa ay 1-0 ku garaacday.
Aston Villa oo ka awood badneyd ayaa goolka qura waxaa u dhaliyay weeraryahanka waddanka Jamiaca, Leon Bailey, waxaana natiijadaadsi ay ka dhigeysa kooxda difaacaneysa horyaalka inay 6 dhibcood ka hooseyso hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Arsenal.
Kooxda Unai Emery oo ku raaxaysanaysa xilli ciyaareedkoodii ugu fiicnaa muddo sanado ah ayaa maamulaysay ciyaarta min bilow ilaa dhammaad, iyaga oo kasoo boodday City oo soo gashay kaalinta saddexaad ee kala saraynta.
Goolhayaha City, Ederson, ayaa xalay noqday ciyaaryahanka ugu mashquulka badan garoonka, isaga oo badbaadiyay tobannaan fursadood oo ay heshay Aston Villa.
Natiijadan ayaa ka dhigtay kooxda Pep Guardiola guul la’aan afartii kulan ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League.
Reuters
Madal