Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Federaalka oo sheegatay dilka in ka badan 60 Al-shabaab ah


Al-Shabab Al-Shabaab
Al-Shabab Al-Shabaab

Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in tobannaan ka mid ah maleeshiyaadka al-Shabaab lagu dilay hawlgal maanta ka dhacay degaan lagu magacaabo Hilow Bacaad oo u dhow degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfafainta dawladda Soomaaliya ayaa dawladdu ku sheegatay in weerarkaas lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab.

Dhinaca kalena, ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax ay sheegtene inay la beegsadeen dad askar qoranayey koonfurta magaalada Mqudishu.

Al-Shabaab ayaa war saxaafadeedka ku sheegtay inay weerarkaasi ku dileen 32 qof.

Sheegashooyinka ku saabsan khasaaraha hawlgalka dawladda iyo kan qaraxa ayaan VOA si madaxbannana u xaqiijin. Xasan Kaafi Qoste ayaa warbixintan inoo soo diray.

Dowlada oo shegatay dilka 60 Shabaab ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:19 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG