Dubai —
Wafdigii dowladda Iran ayaa ka baxay wadahadallada shirka Cimilada ee Qaramada Midoobay ee ka socdey dalka Imaaraadka Carabta iyagoo ka mudaaharaadaya joogitaanka wakiillada Isaraa’iil Jimcihii shalay, sida ay sheegtey warbaahinta dowladda Iran.
Dhinaca Iran waxaa ay u arkayaan joogitaanka Israa’iil ee Shirka Cimiladda Dubia, arrin kasoo horjeeda ujeedooyinka iyo habraaca shirka, waxaana ayagoo ka duulaya taasi ay ka baxeen madasha shirka, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta Ali Akbar Mehrabian, oo hogaaminaya wafdiga Iran, sida laga soo xigtey wakaaladda wararka Iran ee IRNA.
AFP.
Madal