Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in goolhaye Aaron Ramsdale uu muujiyay geesinimo kadib markii uu ku kacay laba khalad qaybtii hore ee ciyaartii ay kooxdiisu 1-0 kaga badisay Brentford Sabtidii.
Kai Havertz ayaa hoggaanka horyaalka u dhiibay Arsenal, laakiin Ramsdale, ayaa markii ugu horreysay lagu soo billaabay horyaalka tan iyo bishii Sebtember, waxaana uu ahaa goolkii guusha ee ciyaarta.
Gelinta Ramsdale ee kursiga keydka oo uu booska kala baxay David Raya ayaa noqotay wax lala yaabo, laakiin waxaa la siiyay fursad uu ku soo dhalaalo, waxaana uu ku dhawaaday inuu qaab kaftan ah u khasaariyo kooxda qeybtii hore ee ciyaarta.
"Geesinimo... Waxa uu leeyahay geesinimo iyo shakhsiyad weyn, taasina waa waxa aan u baahannahay,” ayuu Arteta u sheegay suxufiyiinta.
Arsenal ayaa 30 dhibcood leh, isaga ii dhibic ku hoggaamineysa kooxda difaacanaysa horyaalka ee Manchester City oo leh 29 dhibcood, halka Liverpool ay leedahay 28 dhibcood, inkasta oo ay jirto waddo dheer, haddana Arteta waxa uu sheegay in ku guulaysiga kaalinta koowaad ay ahayd dareen wanaagsan, gaar ahaan kulankiisii 200-aad ee uu kooxda hoggaamiyo.
Reuters.
Madal