Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siideynta la haystayaasha iyo maxaabiista oo billabatay kadib xabbad-joogintii Xamaas iyo Israa'iil

Hostages abducted by Hamas gunmen during the October 7 attack on Israel are handed over to the International Red Cross, part of a hostages-prisoners swap amid a truce, in the Gaza Strip, Nov. 24, 2023. (Hamas handout/Reuters)

Waqti ay xabbad-joojin ka dhaqan gashay Gaza ayaa madaxweyne Joe Biden Jimcihi uu qaatay qeyb ahaan doorkiisii uu ku lahaa wadaxaajood lagu sii daayo la haystayaasha Xamaas gacantooda ku jira iyo Maxaabiista Israel ay hayso, waxuuna sheegay inay tahay “natiijada diblomaasiyadda ballaaran ee Mareykanka.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in asaga iyo kooxdiisu ay toddobaadyo ka shaqeynayeen joojinta dagaalka, sidoo kalena ay cadaadis ku saarayeen in gargaarka bini’aadantinimo loo oggolaado Gaza iyo waliba sii deynta dadkii ay Xamaas ku afduubatey Israel 7-dii Oktoobar.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Qatar, Masar iyo Israel heshiiska horseeday in la sii daayo qaar ka mid ah maxaabiistii Xamaas ay qafaasheen.

“Kaliya waa bilow laakinse, ilaa hdda, si fiican ayey wax u socdaan" ayuu yiri madaxweyne Biden.

Madal

XS
SM
MD
LG