Weeraryahanka Brazil, Rodrygo ayaa sheegay in farriimo cunsurinimo ah loogu soo diray baraha bulshada, kadib markii ay murmeen kabtanka xulka Argentina Lionel Messi, kahor inta aysan xulkooda ciyaarin isreebreebka koobka adduunka Talaadadii.
Brazil ayaa guuldaro 1-0 ah kala kulantay Argentina ciyaar ka dhacday magaalada Rio de Janeiro, waana guuldaradii seddexaad oo isku xigta oo soo gaartay xulka shanta jeer ku guuleystay koobka aduunka, waxaana hareeyay rabshado kadib markii ay isku dhaceen booliska iyo taageerayaasha martida ku ahaa garoonka Maracana Stadium, taasoo sababtay in ciyaarta ay dib u dhacdo muddo nus saac ah.
Messi oo ku eedeeyay booliiska maxalliga ah falal naxariis darro ah, ayaa la arkayay isaga oo erayo adag ay is dhaafsanayeen kabtanka Brazil Marquinhos iyo Rodrygo oo sheegay in uu helay farriimo badan oo ay ku qoran yihiin muuqaalada emojis oo daayeer iyo muus ah.
"Cunsurigu had iyo jeer waa so jeedaa, shabakadaha bulshada waxaa lagu soo duulay cay iyo wax kasta oo aan macno lahayn," ayuu Rodrygo kusoo qoray Instagramka Khamiistii.
Weeraryahanka Brazil Vinicius Jr. oo dhaawac ku seegay kulankii Argentina ayaa taageeray saaxiibkiis. "Ma joojin doono," ayuu kusoo qoray Instagram iyo X, oo hore u ahaa Twitter.
Reuters.
Madal