Boosaaso —
Doon kaluumaysi oo Iran laga leeyahay, taasoo masuul ay ka ahayeen ganacsato Soomaali ah ayaa toddobaadkan laga af duubtay xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal. Doontan oo ay afduubteen kooxo hubeysan ayaa waxaa saarnaa shaqaale u dhashay Iran iyo nin Soomaali ah oo waardiye ka ahaa.
Bashiir Siciid Cismaan oo ka mid ah wakiillada doonidaas ayaa sheegay in ay la xiriireen kooxda afduubatayay, kadibna ay weydiisteen dhaqaale dhan afar boqol oo kun dollar, si ay u siidaayaan doonta iyo shaqalaha saaran.
Madal