Garoowe —
Dowladda goboleedka Puntland waxaa in muddo ah ka taagnaa muran ku saabsan doorashada, oo ay dowladda Saciid Cabdullahi Deni dooneyso inay noqoto mid qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay aaaminsanyihiin in aanu jirin waqti ku fillan, ujeedaduna tahay muddo kororso ay xukumaddu dooneyso.
Dhinaca kale, Muranka siyaasadeed ee Puntland ayaad moodaa inuu indhaha ka jeediyay xiriirka aan wanaagsaneyn ee dowladda Federalka iyo Puntland.
Falastiin Axmed Iimaan ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland, Cabdi Faarax Juxa wax ka weydiisay arrimahan.
Madal