Washington —
Gobollo iyo deegaanno ka mid ah Soomaaliya ayaa toddobaadkan waxaa saameeyay daad xooggan oo ku dhuftay, kuwaasi oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in ay ku bara kaceen dad ka badan 113 kun oo qof. Daadkan ayaa si daran u saameeyay dadka ku nool magaalooyin waaweyn iyo deegaano badan.
Meelaha uu daadku sida weyn u saameeyay waxaa ka mid ah magaalada Baydhaba oo xarun KGM u ah maamulka Koonfur Galbeed. Arrimahan ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ka wareystay Safiirka Soomaaliya ee Sudan Danjire Maxamed Shiikh Isxaaq oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka mar uu nagu soo booqday xarunta VOA ee magaalada Washington DC.
Madal