Muqdisho —
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ansixisey siyaasadda qaranka ee qurba joogta, taas oo muhimad gaar ah siineysa ka war qabka qurba-joogta Soomaalida. Wafdi uu hoggaaminaayo wasiir ku xigeenka arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Isaaq Maxamuud Mursal (Isaaq Fanax), ayaa dalka Koonfur Afrika u jooga sidii ay u dhaqangalin lahaayeen siyaasaddaasi, iyagoo u kuur galaya xaaladaha nololeed ee Soomaalida dalkaasi ku dhaqan.
Jamaal Axmed Cismaan ayuu qadka ugu warramay, waxana uu ka warbixiyay ujeeddada safarkiisa Koonfur Afrika.
Madal