Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ganacsato lagu dilay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug


Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maqribkii lagu dilay la ka mid ah ganacsatada magaalada, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Saciid Tahliil Maxamed iyo Sheekh Xasan Diirshe.

Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Galguduud Cilmi Cali Gabey, lama oga sababta iyo cidda dishay ganacsatadan.

Laamaha Amniga ee Dhuusamreen ayaa wada baaritaan lagu soo qabanayo kooxdii geysatay dilkan.

Dhinaca kale, waxaa deggan xaaladda deegaanka Xananbuure ee gobolka Galguduud, halkaas oo shalay ay ku dagaallameen laba maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada daga.

Madal

XS
SM
MD
LG