Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Sheekh iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab


Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka Midowga Yurub iyo waddamada soo koraya, ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Midowga Yurub Charles Michel, iyaga oo ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

"Labada Madaxweyne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Khawaarijta iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada." ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaaliya oo bilihii lasoo dhaafay saldhiggissu ahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa tan iyo markii dib loo soo doortay - hoggaaminayay dagaal ka dhan ah Al-shabaab - kaas oo ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawisleyda ay Al-shabaab uga xoreeyeen degmoyin iyo magaalooyin badan.

Madal

XS
SM
MD
LG