Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Guddiga doorashada oo ku dhawaaqay wakhtiga ay dhaceyso doorashada lagu muransan yahay


Doorashada Puntland
Doorashada Puntland

Guddiga doorashada Puntland ayaa sheegay in doorashada hoggaanka ee maamul goboleedka ee soo socota in la qaban doono 25-ka Bisha Febraayo 2024-ka.

Guddiga ayaa sheegay in doorashooyinkaasi ay noqon doonana kuwo toos ah, isla markaana ay isku mar dhici doonaan doorashooyinka madaxtinnimada ee maamulka iyo kuwa baarlamaanka heer maamul goboleed.

Doorashooyinka madaxtinnimada Puntland ayaa hadda ka hor waxaa soo dooran jiray Aqalka Baarlamaanka oo lagu soo xulo habka beelaha, waxaana lagu waday in la qabto 8-da Jannaayo.

Puntland ayaa bishii May ee sannadkan qabatay doorashooyinka Golayaasha Degaanka oo laga qabtay in ka badan 30 degmo.

Madal

XS
SM
MD
LG