Wariye Cabdifataax Macallin Nuur Qays oo ahaa agaasimihii Soomaali Cable Television ayaa maanta lagu aasay qabuuro ku yaalla degmada Kaxda ee Muqdisho, kadib markii uu ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo xalay fiidkii ka dhacay bannaanka hore ee maqaayadda Blue Sky.
Qaraxan waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka al-Shabaab. Weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa waraysi la yeeshay Wariye Cabdinaasir Xirsi iidle, waxa ay soo wada sahqeeyeen Marxuumka haddana waxa ay wada deganaayeen hal guri.
Dhinaca kale, shaqada Agaasimihii Taleefishanka Somali Cable Cabdifitaax Nuur Macallin Qeys iyo shaqsiyaddiisii ayaa Jamaal Axmed Cusmaan uu ka waraystay Saleebaan Raage oo ka mid ah tifatariyaasha Somali Cable TV Somali Cable, ee uu agaasimaha ka ahaa Cabdifataax Qeys.
Madal