Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu RW Xamse ka yiri khatarta duufaanta El Nino?

RW Xamse
RW Xamse

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta duufaan xooggan ee Al Nino ee maalmahanba laga digayay in ay ku dhufan doonto gobolka Bariga Afrika saddexda bilood ee soo socota. Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay Xarunta ka Hortagga Musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya.

Cimilada El Nino ee la saadaaliyay iyo curashada xilli-roobaadka Deyrta ayaa la filayaa inay saameeyaan ilaa 1.2 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya oo keliya.

Dalka Soomaaliya ayaa looga digay bulshada ku dhaqan deegaannada ay maraan labada webi ee Jubba iyo Shabeelle in ay ka taxadaraan oo ay u guuraan dhul sare.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warkan noo soo diray.

RW Xamse oo ka hadlay digniinta khatar ka iman karta El Nino
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:47 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG