Wadama ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ee Midowga Africa ayaa taageeray codsiga dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in dib loo dhigo wajiga 2-aad ee dhimista ciidamadan.
Dalalka Kenya, Ethiopia, Burundi, Djibouti iyo Uganda ayaa dhinacooda codsi wada jir ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyagoo doonaya in la joojiyo bixitaanka ilaa iyo saddex kun oo askari oo ATMIS ay Somaliya looga saari lahaa dhammaadka bishan.
Axmed Maxamed ayaa warbixintan ka soo diray Muqdisho, Waxaa inoo soo jeedinaya Maxamed Colaad Xassan.
Madal