Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax lala beegsaday sarkaal ka tirsan NISA oo muqdisho ka dhacay


Muqdisho
Muqdisho

Laba qof ayaa ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdishu, sida ay ilo dhinaca amniga ah u sheegeen VOA

Qaraxa oo noociisa ahaa miino ayaa lala eegtay gaari uu la socday Taliyaha Nabadsugida Degmada Deyniile ee magaalada muqdisho Cabdiraxmaan Cali Waqooyi, iyo askar la socotay oo marayay Dayniile, sida ay ilahaas amniga oo codsaday inaan magacooda la xusin u sheegeen VOA.‎


Saraakiil ciidan iyo dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in labo askari ay ku dhaawacmeen qaraxa. Sidoo kale waxaa jiro dhaawacyo soo gaaray labo kale oo rayid ah oo wadadda marayay.

Ciidamada dawlada ayaa baaritaano ka sameeyay deegaanka uu qaraxu ka dhacay kadib weerarkaasi.

Qaraxa ayaa ku soo aaday xilli ciidamada amniga Muqdisho ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo Nabadgalyada islamarkaana ay ciidanka dhawaan ka hortageen baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa

Madal

XS
SM
MD
LG