Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahinta Qarax Khasaare geystay oo maanta ka dhacay Beledweyne


Ciidamada dowladda oo ku sugan Beledweyne
Ciidamada dowladda oo ku sugan Beledweyne

Ilaa labaatan qof oo badankood shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax gaari xamuul loo adeegsaday oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ilo kala duwan ayaa VOA u sheegay in gaariga oo laga shakiyay ay ciidamada amnigu ku hakiyeen barta-kontralka Horseed oo ku taalla xaafadda Xaawo Taako.

Dadka goobta ku dhintay waxaa ka mid ah qoys degganaa meel u dhow barta Kontroolka. Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku gubtay kaalmo shidaal iyo goobo ganaacsi oo ku yaalla hareeraha laamiga.

Haddaba, Guddomiyaha Degmada Belewene Cumar Cusmaan Calasoow ayaa qaraxan uga waramay wariyaha VOAda Cumar Cabdicasiis Barrow.

Wareysi: Guddoomiyaha Degmada Belewene Cumar Cusmaan Calasoow
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:32 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG