Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Beled Weyne


Beledweyne
Beledweyne

Ilaa labaatan qof oo badankood shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax gaari xamuul loo adeegsaday oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ilo kala duwan ayaa VOA u sheegay in gaariga oo laga shakiyay ay ciidamada amnigu ku hakiyeen barta-kontralka Horseed oo ku taalla xaafadda Xaawo Taako.

Dadka goobta ku dhintay waxaa ka mid ah qoys degganaa meel u dhow barta Kontroolka. Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku gubtay kaalmo shidaal iyo goobo ganaacsi oo ku yaalla hareeraha laamiga.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo gaaray dhismooyinka ku ku yaalla goobta uu qaraxu ka dhacay, oo lagu sheegay meel ay ku yaalaan makhaayado iyo dukaamo ganacsi oo mashquul badan.

Qaraxan ayaa jugtiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Beledweyne iyo nawaaxigeeda, waxaana la arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray.

Waxaa kaloo aagga qaraxu ka dhacay laga maqlayay rasaas xooggan.

Magaalada Beledweyne ayaa lagu tilmaamaa magaalada 2-aad ee ay ka dhaceen qaraxyada argagixiso marka laga soo tago Muqdisho.

Bishii June ee sanadkii 2009-kii ayaa qarax xooggan oo lagu qaaday Hotelka Madiina ee magaalada waxaa ku nafwaayay siyaasiyiin, aqqoonyahan iyo odayaal magac ku lahaa gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa Cumar Xaashi, Wasiirkii Amniga Qaranka ee dowaldda Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha qaraxan waxaad ku dhageysan doontaa qeybaha soo socda ee idaacadeenna

Madal

XS
SM
MD
LG