Boosaaso —
Tuulada dahabka laga qoto ee Milxo oo ka tirsan degmada Laasqoray ayaa saaka waaberigii gubatey, kadib markii dab ka kacay mehrad ganacsi uu wax yeelo u gaystay inta badan guryihii magaalada oo isugu jira ganacsi, deegaan iyo hanti kala duwan.
Dhawr qof oo ka mid ah dadka degaanka Milxo ayaa dhawac kasoo gaaray dabkaas iyadoo dadkii magaaladaas deganaana ay u qaxeen banaanada iyo geedaha hoostooda oo aan ka fogayn tuulada gubatay.
Weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa khadka telefoonka kula xiriirtay Daahir Yuusuf Cali oo ka mid ah ganacsatada Tuulada Melxo wuuxan uga waramay sida wax u dhaceen.
Madal