Maamlmahan waxaa Kismaayo ku sugnaa qaar kamdi ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Jubbaland kuwaasi oo kamid ahaayeen siyaasiyiin kasoo horjeeday Maamulka balse kulamo ka dhacay dalka Keenya gaar ahaan Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu halkasi kulan ku yeeshay qaarkamid ah Siyaasiyiintaasi iyo Madaxweynaha Jubbaland kuwaasi oo ka heshiiyay wixii tabasha ah ee ay qabeen.
Siyaasiyiintaasi waxa ay soo gaareen Kismaayo si ay bulshada ula kulmaan inkastoo Heshiiskaasi iyo nooca uu yahay aan la shacain.
Wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad ayaa arrimahaasi waxaa uu ka wareestay Cabdirashiid Daahir Axmed oo kamid ahaa Siyaassiyiint heshiiska la galay Maamulka Jubbaland waxaana uu ugu horeen wax ka weydiiyay sababta keentay in ay heshiiskaasi uu dhaco.
Madal