Isku xirrada

War Deg-Deg ah

11 qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacay Khartuum


Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay tobannaan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo Axadda maanta ah ka dhacay xaafad ku taalla koonfurta caasimadda Suudaan ee Khartoum, sida ay sheegtay koox maxalli ah.

Guddiga wax iska caabinta oo ka mid ah kooxihii abaabuli jiray bannaanbaxyada dimuqraadiyad doonka ah haddana ka shaqeeya gargaarka xilliga dagaalka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in abaaro 7:15 subaxnimo ay diyaarado militari duqeeyeen agagaarka suuqa Qouro.

Wararka ayaa sheegaya in 11 qof ay dhinteen toboneeyo dhaawac ahna la gaarsiiyay isbitaalka Bashair, sida uu guddigu sheegay.

Isbitaalka ayaa dhanka kale soo saaray “baaq degdeg ah” oo ku socda dhammaan xirfadlayaasha caafimaadka ee magaalada in ay tagaan oo ay gacan ka geystaan daweynta “tirada sii kordheysa ee dadka dhaawaca ah ee imaanaya” halkaasi.

Tan iyo 15-kii April, Suudaan waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidanka qaranka iyo kuwa gurmadka degdegga ah ee RSF.

Ku dhawaad 7,500 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka socday mudada ku dhow shan bil, sida lagu sheegay qiyaas ay soo saartay hay’adda ACLED ee ka faalloota isku dhacyada hubaysan.

Madal

XS
SM
MD
LG