Xulka haweenka kubbadda cagta Spain ayaa markii ugu horeysay ku guuleysatay Koobka Adduunka ee Haweenka kadib markii ay 1-0 ku garaaceen dhiggooda England ciyaartii kama-dambeysta aheyd ee maanta, taas oo ka dhacday waddanka Australia.
Kabtan xulka Spain Olga Carmona ayaa daqiiqaddii 29-aad dhalisay goolka keliya ee guusha, kadib markii ay ciyaartooyda Spian ka faa'iideysteen kubbadda khadka dhexe uga hallowaday xulka England.
Xulka Spain ayaa wax yar kadib rigoore loo dhigay, kadib markii ay kubad gacanta ku taabatay Keira Walsh, hase yeeshee goolhayaha England Mary Earps ayaa badbaadisay rigooradii ay ridday Jennifer Hermoso.
Tababaraha xulka qaranka England Sarina Wiegman ayaa sameeyay isbadallo dhowr ah oo ay ku dooneysay inay ciyaarta wax uga bedesho, iyada oo sidoo kale ciyaarta soo gelisay weeraryahankooda Lauren James, laakiin ma aysan helin goolka barbaraha, iyadoo Spain ay difaacatay goolkeeda sababay inay markii ugu horreysay ku guuleystaan koobk Adduunka.
Tababaraha Spain Jorge Vilda ayaa sheegay inay aad ugu hanweyneyd in xulkeedu ku guuleysto koobkan..
"Way adag tahay in la qeeyxo, farxadeyda aadka u weyn, aad ayaan ugu faraxsanahay kooxdan," ayay tiri Vilda. oo intaas raacisay
""Hadda waa dabbaaldegnaa, kaliya waxaan qiyaasi karaa sida Spain tahay, waxaan ku dabaaldegeynaa halkan, mana garanayno goorta uu dhammaan doono dabbaaldeggan."
Olga Carmona oo dhalisay goolka guusha Spian ayaa warbaahinta qaranka Spain La 1 u sheegtay “Runtii waxa ay aheyd ciyaar adag, waan ogeyn inay noqon doonto mid adag, England waxay heysataan koox weyn, laakiin waxaan u maleynayaa inay aheyd ciyaarteenna,”
Koobkan oo ah kii sagaalaad, waxaa si wadajir ah u martigeliiyay dalalka Australia iyo New Zealand, waxaa hore ugu guuleystay Mareykanka oo oo 4 jeer ku guuleystay, Germany oo laba jeer, Norway, iyo Japan.
Spain ayaa heshay lacagta abaalmarinta kaalinta koowaad ee koobkan, taas oo ah $4.29 milyan.
Madal