Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo faah-faahisay weerar lagu afduubtay gaadiid


Ciise Kayd
Ciise Kayd

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay faahfaahin ka bixisay, dabley hubaysan oo weerar ku qaaday gaadiid ay lahayd hay'adda samafalka ee Halo Trust, halkaas oo ay ka kaxaysteen laba baabuur oo ay hay'addu lahayd, iyo weliba mid ka mida darawaladii gaadiidkaas.

Falkan ayaa ka dhacay gobolka Daad-madheedh, waxaana xukuumadda Somaliland ay sheegtay inaanay jirin cid ka baxsan dablaydaas oo ku lug lahayd weerarka, iyada oo shalay la sii daayey darawalkii u shaqaynayey shirkadda Halo Trust oo dhaawac ah.

"Gaadiidka la kaxaystay illaa haatan gacanta laguma soo dhigin, waxaana hawshan gacanta ku haya ciidamada ammaanka ee Somaliland oo ay wehelinayaan ciidamada booliska ee deegaanka [uu weerarku ka dhacay]. Dawladda Somaliland waxaa ka go'an in ay cadaaladda horkeento dadkii ka dambeeyey falkaas" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Somaliland.

Wasaaradda arrimaha debedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa sheegtay inay " u xaqiijinayso dhammaan muwaadiniinta iyo hay'adaha ajnebiga ah, in arrintani ay ahayd dhacdo gooni ah"

Madal

XS
SM
MD
LG