Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah lagu beegsaday deegaan ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya.
Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka dib markii la helay xog sirdoon ah ay ciidamo wadajir ah howlgal ku bartilmaameedsadeen maleeshiyo Al-Shabaab ka tirsan oo isku uruursanayay tuullada Qoob-Yaxaas oo ku taalla Hiiraan.
Si rasmi ah oo madax banaan looma oga qaabka uu howlgalkaasi u dhacay iyo waliba khasaaraha uu geystay, laakiin warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maleeshiyiada Al-Shabaab uu soo gaadhay khasaare.
Madal