Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Ruushka la saxeexatay heshiis lagaga cafinayo deyn ka badan $684 milyan, taas oo ay dawladda Ruushku ku lahayd Soomaaliya.
Naadiga Paris ayaa ah kan deynta ugu badan ku leh Soomaaliya, waxaa Ruushku noqonayaa dalkii ugu dambeeyey ee ka tirsan Naadigaas oo ay Soomaaliya la gasho heshiis deyn cafin ah.
Waxaana la filayaa in dhammaadka sannadkan, si rasmi ah looga go’aan gaadho geediga deyn cafinta ee ay Soomaaliya soo wadday sannadaha badan, ka dib marka ay kulmaan Guddida sare ee Sanduuqa Lacagta Dunida ama IMF.
Haddaba weriyaha VOA Ismaaciil Xuseen Farjar oo ku sugan Washington ayaa waraysi la yeeshay wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo Soomaaliya u saxeexay heshiiskan, isaga oo jooga magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka.
Madal