Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya iyo Ruushka oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Wasiirada maaliyadda ee Soomaaliya iyo Ruushka oo heshiis kala saxeexday
Wasiirada maaliyadda ee Soomaaliya iyo Ruushka oo heshiis kala saxeexday

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dowladda Ruushka la saxiixatay heshiis ay kaga cafineyso lacag deyn ah oo ka badan $684 Milyan, sida uu sheegay wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Biixi Imaan Cigeh.

"Farxad ayay ii ahayd inaan Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka la saxeexdo heshiis ay Dawladda Ruushku dalkeenna kaga dhaaftay lacag ka badan $684 Milyan. " ayuu ku soo qoray bartiisa rasmiga ah ee Facebook, isaga oo raaciyay "Waxa kale oo aanu is afgarad ka gaadhnay Lacag dhan 7.5 million oo Dawladda Ruushku inagu lahayd"

Wasiirka Maaliyadda ayaa intaas ku daray in 'tallaabadan ay door wayn ka qaadan doonta dhammaystirka geediga deyn cafinta Dalka.'

Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in heshiiska uu ka dhacay magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka, ayna goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada Federaalka Soomaaliya Salah Jama, wasiirka ku xigeenka maaliyadda dowladda Ruushka Timur Maksimov iyo masuuliyiin kale oo ka kala socotay dalalka Ruushka iyo Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo uu maalinta Khamiista ka furmayo magaalada Saint Petersburg, shirweynaha Afrika iyo Ruushka, kaas oo ay Soomaaliya ku metelayaan wefti uu hoggaaminayo ra'iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.

Soomaaliya iyo Ruushka
Soomaaliya iyo Ruushka

Madal

XS
SM
MD
LG