Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pulisic oo heshiis afar sano ah u saxiixay AC Milan

Chelsea Soccer
Chelsea Soccer

Kooxda AC Milan ayaa heshiis afar sano ah la soo saxiixatay weeraryahanka xulka qaranka Mareykanka iyo kooxda Chelsea Christian Pulisic, sida ay Khasmiistii shaacisay kooxda Serie A-da.


Faahfaahinta dhaqaalaha lama shaacin laakiin warbaahinta Ingiriiska ayaa ku warrantay in kooxda reer Talyaani ay siisay Chelsea 20 milyan oo Yuuro ($22.41 milyan).


Pulisic oo 24 jir ah ayaa afar xilli ciyaareed ku qaatay Chelsea, wuxuuna u saftay 145 kulan, wuxuuna u dhaliyay 26 gool, wuxuuna caawiyay 21 kale.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG