Kooxda Juventus ayaa lasoo saxiixatay weeraryahanka xulka Mareykanka Timothy Weah, waxayna kala soo wareegtay kooxda Lille ee horyaalka Faransiiska, iyada oo kusoo iibsatay 10.3 milyan euro oo u dhiganta $11.2 milyan, sida ay xaqiijisay kooxda Serie A-da Sabtida maanta ah.
Weah, oo xirfadiisa sare kasoo bilaabay Paris St Germain, ayaa afar xilli ciyaareed ku qaatay Lille halkaas oo uu u saftay in ka badan 100 kulan, isagoo kula guuleystay horyaallada labadan kooxood.
Dhinaca kale, Kooxda Inter Milan ayaa lasoo saxiixatay weeraryahanka reer France ee Marcus Thuram kaas oo ay si xor ah ay ugala soo wareegeen kooxda Bundesliga ka ciyaarta ee Borussia Monchengladbach.
25-sano jirkan oo ah wiilka uu dhalay Lilian Thuram oo ku guuleystihii Koobka Adduunka ee Faransiiska ayaa Nerazzurri ugu biiri doona qandaraas shan sano ah sida ay sheegtay warbaahinta Talyaaniga.
Thuram, oo ku dhashay Parma, xilligii aabihiis uu ka ciyaarayay horyaalka Talyaaniga, ayaa lala xiriiriyay dhowr kooxood oo Yurub ah kahor inta uusan u saxiixin Inter.
Reuters
Madal