Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kante oo ka tagay Chelsea kuna biiray kooxda heysata horyaalka Sacuudiga ee Al-Itixaad


FBL-ENG-PR-CHELSEA-NEWCASTLE
FBL-ENG-PR-CHELSEA-NEWCASTLE

N’Golo Kante ayaa ka tagi doona kooxdaa Chelsea kadib toddobo sano oo uu ku sugnaa Stamford Bridge, waxaana si xor ah ugu biiri doonaa naadiga Al-Ittihad isagoo qalinka ku duugay heshiis seddex sano ah, sida kooxda Sacuudiga sidaas sheegtay Talaadadii.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska, kaasoo kooxda ka dhisan galbeedka London kaga soo biiray Leicester City 2016, ayaa Al-Ittihad kula midoobi doona ciyaaryahanka ay isku dalka yihiin ee heysta abaal marinta Ballon d'Or Karim Benzema.

"Ha rumaysan wararka been abuurka ah, Kante hadda waa ciyaaryahan Itixaad," ayayItixaad soo dhigtay fariin muuqaal ah oo ay soo dhigtay Twitter.

Kante ayaa laf dhabar u ahaa Chelsea, isagoo kula guuleystay Champions League, Premier League, Europa League iyo FA Cup intii uu la joogay kooxda.

Xilli ciyaareedkii hore, Kante ayaa waxaa hareeyay dhaawacyo, wuxuuna seegay 38 kulan oo tartamada oo dhan ah iyadoo Chelsea ay la dhibtooneysay la’aantiisa, islamarkaana ku dhameysatay kaalinta 12-aad ee horyaalka.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG