Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Faransiiska N’Golo Kanté ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhowyahay inuu heshiis afar sanadood ah u saxiixo kooxda Al Itixaad ee horyaalka waddanka Sacuudiga.
Sida uu ku soo warramayo wariyaha suuqa kala iibsiga ciyaartooyda Fabrizio Romano, Kante, ayaa lagu wadaa in heshiskiisu uu ku kaco €100m wadarta mushaharka la siinayo afar sano gudahood.
Wadaxaajodka ciyaaryahankan ayaa soo billowday 6-dii bishan June, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo.
Ciyaaryahanka waddanka Fansiiska, Kante, ayaa kooxda Chelsea kusoo biiray sannadkii 2016, kadib markii ay 32 milyan uga soo iibsatay kooxda Leicester City oo markaas uu kula soo guuleystay horyaalka Ingiriiska.
Madal