Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey ee weerar lagu qaaday makhaayad ku taalla xeebta Liido


Muqdisho
Muqdisho

Muqdisho - Fiidnimadii hore ee xalay, waxaa weerar khasaare geystay lagu qaaday, meherad ganacsi oo isugu jirta hotel iyo makhaayad, taas oo lagu magcaabo Pearl Beach. meheraddan ayaa ku taalla xeebta Liido.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadaan hawlgal ay ku soo afjarayaan weerarka, iyada oo warar hordhac ahi ay sheegayaan, inay gudaha hotelka ku jiraan, xubno ka mida, kooxdii weerarka geysatay.

Dawladda ayaa sheegtay in la soo badbaadiyey, qaar ka mida dadkii ku dhex go'doonsanaa hotelka iyo makhaayadda weerarka lagu qaaday, isla markaana ay haatan xaaladoodu wanaagsan tahay. Hase ahaatee laamaha ammaanku faahfaahin intaas ka badan kama bixinin, khasaaraha weerarka iyo inay weli jiraan dad ku dhex go'doonsan meheradda la weeraray iyo inkale.

Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka.

Madal

XS
SM
MD
LG