Xulka Kubadda Cagta Brazil ayaa ciyaar saaxiibtinimo la ciyaari doona Spain bisha March ee soo socota, taasoo qayb ka ah ololaha ka dhanka ah cunsuriyadda, sida ay ku dhawaaqeen xiriirrada kubbadda cagta ee labada waddan Isniintii.
War qoraal ah oo kasoo baxay xiriirka kubada cagta Spain ayaa lagu sheegay in kulankan lagu qaban doono Spain, si loo xoojiyo ka go’naanta labada dal ee ka dhanka ah rabshadaha kubada cagta iyo in la xoojiyo xiriirka wanaagsan ka dhexeeyay labada dal.
Guddoomiyaha xiriirka Soain ee RFEF Luis Rubiales ayaa hogaaminayay ololaha “Kubbad ka madax-bannaan Cisuriyad” si loo cirib tiro dhaqamada takoorka ah ee garoommada,kadib markii weeraryahanka Real Madrid Vinicius Jr lagula kacay cunsurinimo intii ay socotay ciyaartii LaLiga ee ka dhacday garoonka kooxda Valencia ee Mestalla 21-kii Maarso.
Xulalka Brazil iyo Spain ayaa markii 10-aad isaga horiman doona, iyada oo shan goor uu badiyay xulka Koonfurta Ameerika, labana xulka reer Yurub ee Spain, iyo laba barbaro.
Kulankoodii ugu dambeeyay waxa uu ahaa finalkii Confederations Cup 2013 markaasoo Brazil ay 3-0 ku garaacday.
Reuters.
Madal