Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Brazil oo la ciyaari doonta dalal Afrikan ah kulamo ka dhanka ah cunsuriyadda, laguna tageerayo Vinicius Jr


Xulka Qaranka Kubadda Cagta Brazil ayaa ciyaaro saaxiibtino la ciyaari doonta laba waddan oo Afrikaan ah, kuwaas oo qayb ka ah ololaha ka dhanka ah cunsuriyadda, laguna taageerayo weeraryahankooda Real Madrid Vinicius Jr, kaasoo cunsurinimo lagula kacay ciyaarihii horyaalka Spain xilli ciyaareedkan, sida uu gaaciyay FA-ga Brazil (CBF) Jimcihii.

Xulka shanta jeer ku guuleystay koobka adduunka ayaa 17-ka June la ciyaari doona Guinea, ciyaartaas oo ka dhici doonta Barcelona, halka Senagal ay saddex maalmood kadib kula ciyaari doonaan Lisbon.

Xiriirka Kubadda Cagta ee Brazil ee CBF ayaa sidoo kale bilaabay olole qaran oo ka dhan ah midab-takoorka ciyaaraha horyaalka Brazil ee bilaabmay toddobaadk ka dib aflagaado cunsurinimo ah oo 22 jirkooda Vinicius Jr uu la kulmay ciyaar ka tirsan horyaalka LaLiga oo kooxidaa Real Madrid kaga hortagtay Valencia Axadii, waana dhacdadii 10-aad ee noocan oo kale ah oo ka dhan ah ciyaartoyga LaLiga.

"Waxaan dooneyna in Brazil ay hoggaamiso dagaalka ka dhanka ah cunsuriyadda adduunka oo dhan," ayuu guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Brazil Ednaldo Rodrigues u sheegay Reuters wareysi uu bixiyay bishii Maarso.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG