Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ronaldo: Horyaalka Sacuudiga wuxuu ka mid noqon karaa shanta ugu sarreysa adduunka


FILES-FBL-KSA-NASSR-GARCIA
FILES-FBL-KSA-NASSR-GARCIA

Ciyaaryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa aaminsan in horyaalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee uu ku biiray xilli ciyaareedkan uu noqon karto mid ka mid ah shanta horyaal ee ugu sareysa adduunka.

Kabtanka Portugal ayaa ku biiray kooxda Al-Nassr bishii Janaayo heshiis lagu qiyaasay sida ay sheegtay warbaahinta qaarkeed inuu qiimihiisu yahay in ka badan 200 milyan oo Yuuro oo u dhiganta 220.16 milyan oo doolar.

Ronaldo ayaa kasoo ciyaaray saddex ka mid ah horyaalada ugu waa wayn aduunka isaga oo u soo ciyaaray Real Madrid oo ka ciyaarta horyaalka Spain ee La Liga, Manchester United oo ka ciyaarta horyaalka England Premier League iyo Juventus oo ka ciyaarta horyaalka Talyaaniga ee Seria A-da.

38-jirkan ayaa sheegay in tayada tartanka Sacuudiga ay sare u kacday muddo yar.

“Waan ka fiicannahay sidii hore, horyaalka Sucuudiguna wuu soo hagaagayaa, sanadka soo socdana wuu sii fiicnaan doonaa,” ayuu u sheegay Channel-ka Sucuudiga ee SSC Talaadada maanta ah.

“Si tartiib-tartiib ah, waxaan filayaa in horyaalkani uu ka mid noqon doono shanta horyaal ee ugu sareysa adduunka laakiin waxay u baahan yihiin waqti, ciyaartoy iyo kaabayaasha.

"Laakiin waxaan aaminsanahay in dalkaan uu leeyahay awood cajiib ah, wuxuu leeyahay dad cajiib ah, horyaalkuna wuxuu noqon doonaa mid weyn fikradeyda," ayuu raaciyay.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG