Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliiska Nigeria oo baaraya dhimashada ugu yaraan 15 qof


.
.

Booliiska bartamaha dalka Nigeria ayaa sheegay inuu baarayo dhimashada ugu yaraan 15 qof oo toddobaadkii hore ka dhacday bulshooyinka beeralayda ah oo ay soo weerareen dabley kale. Booliiska gobolka Nasarawa ayaa sheegay in dilku uu u muuqdo inuu ahaa aargoosi dil horay loogu geystay nin xoolo-jir ah oo ka soo jeeday qabiilka Fulani-ga kaas oo lagu weeraray baangad.

Xiisadda u dhaxaysa bulshooyinka xoollo dhaqata iyo kuwa beeralayda oo dhul isku qabsada ayaa inta badan keena gacan ka-hadal daran.

Afhayeenka booliiska ee gobolka Nasarawa Rahman Nansel ayaa sheegay in maamulka uu goobta geeyey xoogag dhinaca amniga ah oo iskugu jira booliis, kooxaha ka horatagga argagixisada iyo militari.

Afhayeenka ayaa sheegay in maamulku uu wado wahadallo nabadeed oo u dhexeeya labada bulsho inta ay socoto baarista sidii ay wax u dhaceen.

XS
SM
MD
LG