Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay in dib loo furo xadka ay wadaagaan


Hassan Sheikh iyo Ruto
Hassan Sheikh iyo Ruto

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa Isniinta maanta ah sheegay in Kenya iyo Soomaaliya ay isku raaceen in ay dib ay u furan xuduudda ay wadaagaan ka dib muddo toban sano ka badan oo ay xirneyd, waxaana ay imaneysaa xilli xiriirka labada dal ee deriska ah uu soo hagaagayo ka dib sanado ay xiisadi ka dhex jirtay.

Hadalkan ayaa yimid ka dib kulan heerkiisu sarreeyo oo wasiirada labada dal ay ku yeesheen Nairobi kaasi oo ay kaga wada hadleen in la iska kaashado arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, ganacasiga iyo isku socodka dadka.

Xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ayaa si rasmi ah loo xiray 2011-kii sababo la xiriira weerarro ka dhacay gudaha Kenya oo ay qaadday kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta gudaha Soomaaliya.

“Laga billaabo maanta, waxa aan go’aansannay in xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya hab dhowr waji ah loogu furi doono muddo 90-ka maalmood gudahood ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki oo sheegay in 30 maalmood gudahood lagu furi doono marinka u horreeya.

Labada dal ayaa bishii July ee sanadkii hore ku dhawaaqay qorshe dib loogu furayo xadka ka dib wadahadal dhexmaray madaxweynihii xilligaasi ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, laakin qorshahaasi ayaan hergelin.

Kindiki ayaa sheegay in ay ka wada shaqayn doonaan amniga, hagaajinta in xogaha la wadaago, iyo hab wada shaqayneyd oo dhinaca xuduudda ah.

“Kenya iyo Soomaaliya ayaa labaduba si joogto ah u wajahaya caqabado amni oo ka imanaya Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo ah koox muddo ka badan 15 sano dagaal ka waday gudaha Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ayaa waxaa ragaadiyay muran dhanka xuduud badeedka ah iyo sidoo kale Soomaaliya oo Kenya ku eedeysay in ay farageliso arrimeheeda gudaha, halka Nairobi-na ay ku tilmaamtay in Muqdisho ay eedahaasi u adeegsato si ay waji kale ugu yeesho dhibaatadeeda siyaasadeed iyo amni.

Soomaaliya ayaa bishii December ee 2020-kii waxa ay xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Kenya ka dib markii Nairobi ay martigelisay hoggaanka siyaasadda Somaliland.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa wadaaga xuduud dhuleed gaareysa 680-km (420-mile), iyadoo uu muddo u dhexeeyay khilaaf salka ku haya qayb ka mid ah badweynta Hindiya oo laga yaabo in uu ka buuxo shidaal iyo gaas.

Bishii October ee 2021-kii ayay maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ay xukun ay ridday inta badan aaggaasi ku wareejisay Soomaaliya balse Kenya ayaa diiday go’aankaasi.

AFP

XS
SM
MD
LG