Waxaa maanta oo Sabti ah baaqday imitixaanka ardayda dugsiyada dhexe ee magaalada Baledweyne ka dib markii ay fatahaaddu saameysay goobaha waxbarashada.
In ku dhow konton kun oo arday heerar kala gedisan ah ayaa la qorsheeyay in ay imtixaan ku galaan iskuulaadka magaalada.
Maamulaha dugsida sare ee Mujamac Tiiba Tacliim ee magaalada Baledweyne Cabdullaahi Xasan Barkhadle ayaa wariyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane uga warramay xilliga imtixaanka baaqday la galayo iyo xaaladda goobaha waxbarashada Baledweyne.